Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysey soo hadal qaaday siyaasada ugu daggan wax u qabashad carrurta ay ka dhinteen ciidamada Booliska Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa madaxweynuhu ka jeediyey munaasabadani casha sharafta ah uu u soo agaasimay taliska ciidamada booliska soomaaliyeed islamarkaana lagu xusayay xuska 70 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Munaasabada cashada ah waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareysa ee dalka waxana qeyb ka ahaa mas’uuliyinta madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliye, xubno ka mid ah labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada booliska, xooga dalka, sirdoonka iyo nabad sugida Qaran, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo marti sharaf kale,
Kulan weynahaan ayaa waxaa uu ka dhacay taliska ciidamada booliska Soomaliyed,waxana madaxdi ka soo qeyb gashey ay ka jeediyen khudbada,inta yasan madaxda hadalka bilaabina madasha ay munaasabada xuska ah ka socotay,waxaa lugu soo bandhigay ruwaayado looga hadlayey ciidanka booliska Soomaaliyed,waxana dhigayey ruwaayadaha kooxaha fanaaniinta ah ee ciidamada boliiska Heegan.
Ruwaayadaha iyo heesaha xalay lagu soo bandhigay munasabadda casha sharafta ah ee loogu dabaal dagayay sanad guuradii 70 ee aas aaska ciidamada booliska ka dib waxa laguda galay khudbadihi loogu talo galay xafladda, waxaana goobta ka hadlay taliyaha CXDS sareeyo guuto Daahir Aadan Indho Qarsho iyo taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac waxayna si wadajir ah ugu hambalyeeyeen ciidamada booliska iyo shaqada wanaagsan oo ay shacabka Soomaliyed u qabteen.
Jeneral C/xakiim Daahir Saciid oo ah Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyed ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu ku soo qaaday waxgabaka booliska Soomaaliyed mudadii ugu danbeysey,waxana uu sheegay in boolisku ay ku guuleysteen wax yaabo badan oo suurta galiyay sugida amniga waxa uuna tilmaamay in ay farxad gaar ah u tahay sanad guurada ciidanka.
Sii haya xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaliyeed C/kariim Xuseen Guuleed oo isna ka mid ahaa mas’uuliyintii madasha ka hadashey ayaa dhankiisa waxaa uu ammaan usoo jeediyey doorka ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliyed,isagoona tilmaamay in boliisku uu yahay hooyada ciidamada uuna ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka iyo dalka loona baahan yahay in lagu taageero howsha baaxadda leh oo ay u hayaan dalka iyo dadka.
Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo munaasabada soo gunaanaday ayaa jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan u ku soo qaaday isagoona soo hadal qaaday ugu horreyntii aas aaska ciidanka booliska iyo maanta howlaha ay dalka ka haayaan.
Xassan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay wax u qabashada agoonta ay aabayaashooda ku dhinteen difaaca dalka ee ka tirsan ciidamada qalabka sida waxa uuna tilmaamay in siyaasadda dowlada ay qeyb ka tahay wax u qabashada agoonta.
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shekh ayaa gaba gabadi hadalkii uu ka jeediyay munaasabadda casha sharafta aheyd ee loogu dabaal dagayay sanad guurada 70 aad ee aas aaska ciidamada booliska waxa uu kusoo hadal qaaday dadka wali ay jid gooyooyinka u yaalaan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya uu sheegay in tilaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan loona baahan yahay arrimahaasi in laga gudbo.
Dabaaldaga munaasabadaha lugu xusayey aas aaski ciidanka booliska Soomaaliya ayaa socotay shalay ilaa habeenkii xalay,ayadoona la qabtay dabal dagyo kala gadisan.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho