Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maleeshiyaadkii Ku Dagaalamay Deegaano Ka Mid Ah SH/Hoose oo Loo Kala Cayimay Labo Goobood

$
0
0

Muqdisho (RBC) Guddi, odayaal iyo xildhibaano isugu jira oo maalmihii la soo dhaafay u kala dabqaadayey labo beelood oo dhowaan dagaalo ku dhexmareen deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo saaray heshiis hordhac ah oo lagu soo afjarayo colaada gobolka Shabeelaha Hoose ka taagan.

Guddigan oo shalay galab soo saaray bayaan ay ku xusan yihiin qodobo hordha ah ayna wada saxiixeen wakiilada labada beelood ayaa waxay ku baaqeen;-

- In colaada ka jirta gobolka Shabeelaha Hoose la joojiyo.

- In xabbad joojin aan shuruud lahayn ay dhacdo.

- In maleeshiyaadka labada beelood ay kala tagaan deegaanka Carbiska oo Afgooye agteeda ah iyo deegaanka Ceel Jaalle oo u dhow Marka.

- In maleeshiyaadka loo sameeyo dhaqancelin ayu sameyneyso dawlada.

- In goobaha lagu dagaalamay ay la wareegaan ciidamo dawlada iyo AMISOM ka socda oo dhexdhexaad ka ah colaada.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah guddiga xildhibaanada ee goobjooga ka ahaa heshiiskan ayaa sheegay in ay kor kala socon doonaan dhaqangalka qodobada heshiiskan, isla markaana wuxuu ku baaqay in colaad dambe aysan ka dhicin deegaanada Shabeelaha Hoose.

Heshiiskan oo ah kii ugu horreeyay oo si rasmi ah u soo baxa ayaa waxaa ka qeybgalay odayaal wakiilo ka ahaa beelaha dagaalamay kuwaasoo iyaguna goobta ka hadlay sheegayna inay diyaar u yihiin inay xabbad joojinta iyo heshiiska si buuxda u dhaqangaliyaan.

Xaalada deegaanadii ay ka dheceen colaadaha ee NO-50, Janaale, Busley iyo Awdheegle ayaa lagu soo waramaya inay degan yihiin isla markaana maleeshiyaad beeleedyada ay kala joogaan goobihii ay kala joogeen intii uu dagaalku socday.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles