Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Amar ka soo baxay Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyed

$
0
0
Jen. Xuseen Xasan Cismaan

Jen. Xuseen Xasan Cismaan

Muqdisho[RBC Radio]Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa markii ugu horreysay waxaa ay fariin u direen dadka deggan goobaha xarumaha u ahaan jiray ciidanka Asluubta.

Fariintan cusub ee ka soo baxday taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed,waxaa lugu faray   dadka sida sharci darrada ah u deggan ama u dhisanaya goobaha iyo xerooyinka ay leeyihiin Ciidamada Asluubta inay si degdeg ah u banneeyaan,waxana sidoo kale la sheegay  in la burburin doonaan dhisme kasta oo si sharci darro ah looga dhisto.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaalyeed Jen. Xuseen Xasan Cismaan oo la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha  ayaa sheegay in eysan marnaba ogolaan doonin in la boobo dhulka ciidamada Asluubta ay lahaayeen.

“Ma ogalaan doonno in la boobo dhulka ciidamada Asluubta ay lahaayeen,waxan amar ku bixinayna in si degdeg ah looga guuri inta anaan buurburin”ayuu yiri Jen. Xuseen Xasan Cismaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa ka digay in la dhisto dhulalka ciidamada Asluubta lana boobo beeraha ciidamada ee ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose, isagoo  ku gooddiyay in la burburin doono dhismooyinka laga dhisto dhulalka ciidamada.

Hadalkaan ka soo baxay ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa lugu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalo lugu doonayo in lugu soo nooleyo taliska Aslubta Soomaaliyed.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles