Muqdisho[RBC Radio]Kulamo gooni-gooni ah ayaa ka socda Gurigii Habar Khadiija ee xarunta Nabadsugida Qaranka,halkaaso oo ay shirar ku qaadanayan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha dhawaan la magacaabay ee C/wali Sheekh Axmed Maxamed.
Waxana shirarkaan uu bilaabay ay ku soo aadayaan ka hor kulanka maalinta Sabtida ee codka kalsoonida loogu qaadayo.
Labadii maalin ee la soo dhafaay waxaa uu waday rasulwasaaraha la magacaabay,shirar uu si gaar gaar ah ula kulmayey si beel beel Xildhibaanada Baarlamaanka, kulan sharafeed ayuuna kula qaatay Gurigii Habar Khadiija oo ah xarunta Nabadsugida Qaranka.
R/wasaaraha cusub ayaa la sheegay in xildhibaanada shirarka uu la qaadanayey inay la xiriiren is barasho iyo kasbasho, si uu Xildhibaanada codka kalsoonida uga helo.
Hadalada ay jeediyen qar ka mid ah xildhibaanada ayaa waxaa ay ugu cosadeen rasulwasaaraha inuu soo magacaabo xukuumad kaduwan kuwii horre lana timaado hoolkarnimo.
Xildhibaanada waxaa kalo ay ugu baaqeen R/wasaaraha inuu si deg deg ah ku soo magacaabo gollaha wasiirada, si xukuumadii hore ay howsha ugala wareegto.
Xildhibaanada uu la shiraryey Raysul wasaaraha waxaa ay sidoo kale ka dalbadeen in aanu liiska golihiisa wasiirada ku soo darin wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid.
Waxana dhankiisa uu balan qaaday raysul wasaaraha inuu ku dadaali doonno inuu la yimaado isbadal muuqda oo dalka iyo dadkaba ka dhex ifa,waxana uu inta ku daray haddii uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka uu soo dhisi doono xukuumad ballaaran oo wax ka qabata arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.
Kulamada uu rasulwasaraha cusub qaadanayo waxaa ay imaanaya xilli dhawaan guddoonka Baarlamaanka ayaa dib u dhigay Ansixinta R/wasaaraha oo lagu waday in shalay oo Arbaco aheyd uu hor-tago Baarlamaanka, iyadoo dib u dhaca kulankii shalay lagu sababeeyay arrimo farsamo.
Waxaa lugu balan sanyahay xilligaan in maalinta Sabtida ah ee bilowga toddobadka ina soo aadan in xildhibaanad uu hortago C/wali Sheekh Axmed Maxamed,waxaana soo baxaya baaqyo looga dalbanayo baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyan.
____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho