Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Midowga Yurub iyo Talyaaniga oo si weyn ay u gil-gishey fadeexo cusub oo ku aadan muhaajiritinta Afrikanka ah[Video]

$
0
0
Muhaajirin si xun loola dhaqmay

Muhaajirin si xun loola dhaqmay

Roma[RBC Radio]Waxaa si weyn dunida oo idil loo hadal hayaa muuqal cuusb oo laga soo dubay habdhaqan xun oo lugula kacay muhaajirin Afrikaan ah oo tagay dalka Talyaaniga.

Muqaalkan ayaa waxaa si weyn fadeexo ay uga noqotay dalka Talyaaniga oo falkaan xun lugu sameeyey iyo waddamada kale ee ka tirsan Midowga Yurub.

Arrintaan ayaa soo shaac baxday kaddib markii sawirada qaxooti la qaawiyay oo lagu rushaynayo dawooyin jeermiska ka dila oo qof Suuriyaan ahi qaaday ay soo gudbiyeen warbaahinta caalamka,waxana uu muuqalka noqdey mid si wayn uga yaabiyay caalamka oo dhan.

Markii ay warbaahinta muuqalkan uu ka soo muqday ayaa la sheegay inay tahay fadeexo cusub oo wax u dhimi karta sharciyada ka yaalla habdhaqanka muhaajirinta nolal doonka ah ee ku qul qula waddamada ka tirsan Yurub oo uu Talyaanigu ugu horreyo.

Waxaana fadeexada muhaajiriinta Afrikaanka ah ee sawiradooda la baahiyay, iyagoo si xun loola dhaqmayo,waxana ay  gilgishay dalka Talyaaniga iyo guud ahaan waddamada Midowga Yurub, waxaana soo baxaya codsiyada lagu doonayo in dawlada Talyaaniga talaabo adag oo sharci ka qaado cidii ka danbaysay tacadiga iyo fool xumada loo gaystay afrikaanka muhaajiriinta ah.

Madaxweynaha dalka falkaan uu ka dhacay ee Talyaaniga ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay muuqalka  warbaahinta ay ka arkeen,waxana uu amar ku bixiyey  in si dhaqso ah baaritaano loo sameeyey iyo sababta ay ku timid in arrintaan ay dhacdo.

“Runtii waa arrin foolxun,waana ka xunahay,sida ugu dhaqsaha badan waxaa ugu baaqayaa laamaha baarista inay jawaab ka keenan arrintan si loo ogaado sababta ka danbeysay”ayuu yiri madaxweynaha dalka Talyaaniga.

Fadeexadan cusub ee soo shaac baxday waxaa ay qeyb ka tahay,habdhaqanka laga dayrinayo ee loola dhaqmo dadka sida sharcidarada ah ku gala dalalka Yurub,kuwaaso baadi goobaya nolal dhaanta mida ay ku noolaayen.

Soomaali badan ayaa iygu inta badan qeyb ka ah doomaha muhaajirinta sida ee gaara xeebaha dalka Talyaaniga,waxana la sheegaya in dadka sida anshax xumada loola dhaqmo inay iyagu qeyb ka yihiin.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles