Muqdisho[RBC Radio]Sida lugu faah-faahiyey warbixin ka soo baxday ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF,sannadkan gaba-gabada ku jira ee 2013,waxaa caalamka oo dhan lugu dilay tiro wariyaal ah kuwaaso la sheegay in la toogti inta badan iyagoo ku jira howlahooda shaqada.
Warbixinta waxaa lugu sheegay inay 20% ka yar yihiin tirada suxiyfiintii 2012 la dilay, waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay 129% ay ka badan yihiin kuwa la afduubay sannadkiii hore,waxana lugu xusay inay weli khataraha lagu hayo suxufiyiintu yihiin kuwo sare.
Sidoo kale waxaa lugu shaaciyey sannadka wariyaasha la dilay warbixinta inay intooda badan ku geeryoodey qaaraddaha Afrika iyo Aasiyo,waxana la sheegay in Afrika lugu toogtay sannadkan 23-wariye,Aasiya ayaa iyaduna la sheegay in sidoo kale lugu dilay 24 wariye,waxana sidaa lugu sheegay in dilalka ugu badan sannadkan ay ka dhaceen Afrika iyo Aasiya.
Waxaa la sheegay dalalka Suuriya, Soomaaliya iyo Bakistaan inay yihiin dalalka weli dhibta ugu badan ku haysato suxufiyiinta oo ay dhibaato kala kulmaan.
Dalalka dhibaatada iyo dilalka loogu geesto waxaa sannadkan ku soo biiray Hindiya iyo Filibbiin, halka lagu dilay sannadkan dalalka Baraasiil iyo Meksiko shan wariye oo keliya.
Wariyeyaasha sannadkan la dilay waayay ay ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF sheegen in 40% lagu dilay dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwo kale, sida Soomaaliya, Suuriya, Maali, gobollo ka tirsan Hindiya, Bankistaan iyo dalka Ruushka.
Warbixinta looga hadlay dhibaatada saxafiyiinta caalamka waxaa lugu soo qaaday in 87 wariye lagu qasbay inay dalalkooda ka cararaan oo ay wadamo kale tagaan,sidoo kale 39% wariyaasha waxaa lagu dilay furomo dagaal waxaana ay ahaayee wariyaal warbaahin kala duwan u shaqeeya halka 8% ay ahaayeen wariyal madax banaan waliba 4% dumar ayay ahaayeen.
Hay’addu waxay wal wal badan ka muujisay koroka beegsiga wariyaasha oo loo bartilmaamaysto shaqadooda oo kaliya sida warbixintaan lagu xusay.
Xog-hayaha guud ee ururka wariyaasha aan xaduuda laheyn Christophe Deloire ayaa sheegay inuu jiro koror la xiriira in la beegsado wariyaasha.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio