Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Soomaalida ku ganacsata koonfurta Suudaan oo eedeysay Safaarada Somaliyeed

$
0
0

MDG--Juba-South-Sudan-006Jubba[RBC Radio]Sida ay sheegen Soomaalida ku nool koonfurta dalka Suudaan oo ay dagaallo maalmihii danbe ka socden,waxaa ay dhaliil dusha u saaren safaarada Soomaalida ee dalkaasi ku taalla.

Boqollaal Soomaali lugu sheegay ayaa la xaqiijiyey inay ganacsi kala duwan ku leeyihiin magaalada dagaalku uu ka socdo ee Jubba.
Ganacsatadan ayaa ku dhaliilay safaarada inaysan wax doora ah ka qaadan badbaadinta Soomaalida dalkaasi ku nool,waxana ay sidoo kale ku dhaleeceyen inaysan safaaradu soo wargalin xaaladda uu dalkaas galay.

“Safaaradu waxaa ay inoo awoodi weydey soo wargalinta,xaalada halka ka jirta,xataa fariin kama anan helin oo degnin ah”ayey yirahden ganacsato la hadashey warbaahinta.

Sidoo kale waxaa eedeynta beeniyey safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi koonfurta Suudaan gaar ahaana magaalada caasumada ah ee Jubba,waxana uu safiirku sheegay inay qabteen wixii awoododa ah.

“Waxan sameyn karno oo kalan kena ah wan qabaney,inbadan oo ganacsato iyo dadka kale ee Soomaalida ahna waan garsinay fariimo an uga digeeno inay ka dhowr sanaadan rabshada dalka ka socda,waxana u sheegney guryahooda inay ku ekaadan”ayuu yiri safiirku.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay dhimashada wiil Soomaaliyed oo ku dhintay dalkaasi,iyadoona ay wali sii socda rabshadaha dalkaasi ka dhacaya ee yimid khilafka ka dhex jira madaxweynaha dalkaasi Silva Kiir iyo ninkii horrey ku-xigeenkisi ahaa ee uu xilka ka qaaday.

______
RBC Radio
Xafiiska Jubba

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles