Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Weerar khasaare dhaliyey oo lugu qaaday Wajeer

$
0
0
Weerar lugu qaaday wajeer

Weerar lugu qaaday wajeer

Wajeer[RBC Radio]Sida an ku helayno wararka ka imaanaya magaalada Wajeer oo ka tirsan gobolka Soomaalida degto ee waqooyiga barri dalkaasi Kenya,ayaa soo sheegaya in dabley hubaysan ay ka geesten weerar dhaliyey khasaare.

Koox an la garan bartooda ayaa weerarkaan ka fulisay bartamaha magaalada,waxana ay dad rayi ah ku fureen rasaas badan.
Dadka deegaannka oo la soo xiriiray Raxanreeb ayaa sheegay inuu weerarkan dhacay xalay ayna ku geeryoodey labo ruux  halka uu dhaawac ka soo gaaray shan ruux oo kale oo dadka goobta jooga ahaa.

“Ragga an tiradooda la garan bay ahaayeen ragga soo weeraray meesha an jogney,waxaana bartamaha magaalada oo meel habeenkii la isagu yimaado bay ahaayd,rasaas bay nugu fureen dadkii baa kala cararay,waxana ay baxsadeen kooxdi weerarka soo qaaday,labo qof oo dadka goobta jooga ah ayaa markiba rasaasti ku dhimatay shan qof oo kalana dhaawac baa soo garay,ma sheegi karno sababta weerakan ka danbeysay”ayuu yiri Kayso oo ka mid ahaa dad ku sugna goobta la weerar.

Ciidamo kuwo ammaanka ah ayaa la soo dhoobay goobti weerarka ay ku soo qaaden kooxdi hubeysned,waxana xilligaan ciidamada Kenya ee amniga qaabilsan ay waddan baadi goob ku aadan dableydii weerarka soo qaaday.
_______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles