Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Garoowe ee caasumada maamulka Soomaaliyed ee Puntland,waxaa ka socda dadaalo lugu baadi goobayo xalinta khilafka isfahan waaga ah ee ka dhexjira madaxweynaha Puntland C/rixmaan Faroole iyo musharrixinta xilka kula tartamaya.
Wafuud kala gadisan ayaa Garoowe ku sii qul qulaysa,waxana la dareemayaa dhaqdhaaq iyo dadaal loogu jiro in dhaqso loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo, dhinacyadaas oo ku kala aragti duwan guddiga khilaafaadka.
Inta badan Garoowe waxaa ku sugan issimaa Puntland,kuwaaso qorshahooda uu yahay in xal laga gaaro khilafka labada dhinac xilligaan ka dhexeeya,waxaana Issimadu kulan ay shalay yeeshen ay isla soo qaaden sidii la isgu soo dhaweeyn lahaa musharrixiinta iyo madaxweynaha, iyadoona si dhaqso lugu xalinayo go’aana looga gaarayo khilaafka ka dhaxejira ee ku salaysan guddiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.
Issimadu waxaa ay isla garteen sidii loo si wadi lahaa shirarka iyo kulamada ay ku raadinayan xalka lugu gaari karo in lugu soo afjaro khilafka xilligaan an wali xalka laga gaarin ee ka dhex taagan musharrixinta oo u ka mid yahay madaxweynaha xilligaan talaa haya ee Dr Faroole.
Musharrixinta ayaa iyaguna wadda dadaalo ay ugu jiraan in xal la helo oo la dhameeyo xaaladda jirta, kulamada gaar gaarka ah ee dhinacyada arrintu khusayso ay leeyihiin ayaa sii kordhaya.
Musharrixinta waxaa ay ku baaqen horrey in issimada Puntland soo fara-galiyaan khilafka xilligaan jira oo u muqda sida ay sheegen mid caqabad ku noqon kara habsami qabsoomida doorashada,waxana ay sidoo kale dalbadeen in doorashada xiligeeda lagu saleeyo oo aysan dib u dhicin.
Dhinaca kale waxaa ku sugan Garoowe saraakiil ka socda xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya,waxaana qorshahooda joogi taan uu yahay sidii ay dhex-dhexaadinta khilaafka labbada dhinac u gali lahaayeen.
Xubnaha ka socda UNSOM ee Garoowe xilligaan jooga waxaa hoggaaminaya siyaasiga horrey Puntland musharraxa ugu soo noqdey ee Nuuradiin Aadan diiriye,waxana uu sheegay inuu la shiray madaxweyne Faroole oo ay ka wada hadleen arrinta khilaaf, wuxuu tilmaamay in wax wanaagsan ay isla gaareen.
Nuuradiin sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la kulmay xubno ka tirsan musharrixiinta oo ay isla gaareen in jid dhameyn kara khilaafka la qaado lagana gudbo waxyaabaha la isku hayo.
Ugu danbeeyntina qoraal uu boggiisa bulshada uu soo dhigay Nuuridiin ayaa ku sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo xalinta khilaafadka musharrixinta iyo madaxweynaha.
Si kastaba ha noqotee xilligaan waxaa maalmo qura ay ka dhiman yihiin waqtiga loogu tala galay inay qabsoonto doorashada madaxweynanimo ee Puntland,waxana jirta inan wali la dhamaystirin xildhibaanadii baarlamanka cusub, kuwaas oo horray loo qorsheeyey inay fadhiga ugu horreeya yeeshaan maalinta koowaad ee sanadka cusub oo ah 1-da janaayo, xiligaas waxaa doorashada ka dhiman tahay 8 maalmood oo keliya.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio