Muqdisho[RBC Radio]War ka soo baxay ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ayaa lugu sheegay in xilligaan an loo firsan karin dagaallada dhex maraya beelaha wada degga gobolka Shabeellaha hoose,waxana ay Al Shabaab sheegen inay ku dadaalayan qorshahaashi dagaallada lugu joojin lahaa.
Al Shabaab waxaa ay xaqiijiyen in sida ugu dhaqsiyaha badan u faragalin doonnan,dagaallada wali ka sii soconaya gobolkaasi Shabeellaha hoose.
Ninka ugu magacaabay Al Shabaab guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Abuu Cabdala,ayaa warbaahinta ku hadasha afka Ururka Shabaab u sheegay inay lama huraan ay tahay inay faragelin ku sameeyaan dagaalada.
Wuxuu sheegay in sababta ay faragelinta ugu sameynayaan dagaalada ay tahay, dagaaladaasi oo sababay geerida dadka shacabka ah iyo barakac, waxaana uu sheegay in hadii ay yihiin Maamulka Shabaab ee Shabeelaha hoose ay unaxayaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay wali waddan dadaalada ay ku doonayan qaboojinta dagaallada,waxana Abuu Cabdala uu xaqiijiyey inay shirar la qaaten Odayaasha kamid ah kuwa kasoo kala jeeda labada beel,waxana uu tilmaamay inay isla garteen qaboojinta dagaallada iyo sidii loo dhex dhigi lahaa xabad joojin.
Sheekh Abuu Cabdala waxaa uu soo hadal qaaday inay doonayan in ciidamo la dhex dhego beelaha dagaallamaya ciidamadooda,waxana uu ku eedeyey ciidamada AMISOM ee gobolka ku sugan inaysan doorki ay ku lahaayen ka qaadan dagaallada.
Hadalkaan ka soo baxay Al Shabaab waxaa uu ku soo aadaya xilli an wali xal laga gaarin qaboojinta dagaalada ka socda gobolka Shabeellaha hoose.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho