Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Heshiisinta beelo ku dagaalmay gobolka Hiiraan oo la isku khilaafay

$
0
0
Shir ka socday Beledweyne oo lugu guul dareystay

Shir ka socday Beledweyne oo lugu guul dareystay

Beledweyne[RBC Radio]Waan-waan laga dhexwaday labo beelod o dhawaan ku dagaallamay gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in xilligaan lugu guul dareystay.

Shirar iyo kulamo la isku hor fadhiisiyey Odayaal daqamedka labada beelod oo dagaallka khasaaraha dhaliyey ku dhexmaray deegaannka Kabxanleey oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa la isku fahmi waayey,waxana is-fahan waaga uu kenay inay beeluhu ka biya diidan in la dhex dhigo heshiis lugu joojiyo dagaalka beelaha dhexmaraya.

Nabadoodana waday dhex dhexaadinta beelahaas ayaa xaqiijiyey in la isku afgaran waayey kulamadii lagu heshiisiin lahaa.

Heshiisinta waxaa qeybka ah wafti ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya kuwaaso Beledweyne u tagay sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen beelaha balse xilligaan ma jirto ilaa hadda wax guul ah oo laga gaaray khilaafka u dhaxeeya labada beelod ee dagaallamay.

Nabadoon Yaasiin Cilmi oo ah mid ka mid ah beelaha ku dagaalamay deegaanka kabxanleey ayaa sheegay in wafdiga ka socda dawlada ay rabaan heshiis la gaaro iyadoo aan laga hadlin khasaarihii ka dhashay dagaalkii dhawaan dhacay.

“Wax heshiis ah oo la gaaray ma jirto,waayo waxaa jirta oo lugu gaari kara heshiiska in marka hore laga xaalo khasaarihii la isku geestay,lakin waftiga dowladda ka socda iyo qar ka mid ah dadka dhex dhexaadinaya arrinta maba soo qaadayan,shirkii an shalay yeelanana wan ku kala kacnay waqti kale baa hadda la balamay”ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cilmi.

Khilaafka wali ka dhex jira labada beelod ayaa yimid kaddib dagaalo qaraar oo dhawaan ku dhex maray deegaanka Kabxanleey,waxana labada dhinacba ay isku geesten khasaaro xooggan.
______
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles