Muqdisho[RBC Radio]Markii ugu horeysay waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada caasumada ah ee Muqdisho laga hirgeliyay xafiis cusub oo lagu diiwaan-gelinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaanaya, isla markaana lagula soconayo howlaha ay dalka ka hayaan.
Guddaha garoonka ayaa waxaa lugu qabtay munaasabad kooban oo lugu dahfurayey shaqada xafiiskan cusub,waxana ka soo qeyb galay furitaankisa xafiiskan xubno uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshadda xukuumadii hore ee Soomaaliya, Maxamuud Macallin Yaxye, isagoo hadal uu munaasabada ka jeediyay ku sheegay in xafiiskan ay shaqadiisu noqonayso diiwaan-gelinta shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaaranaya iyo la socodkooda.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, saraakiisha ciidamada ammaanka garoonka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Ku simaha wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo furitaankii xafiiska ka hadlay ayaa sheegay in xafiisku ay shaqadiisu tahay sidii ay u diiwaan gelin lahaa ajaanibta dalka imaanaysa.
“Xafiisku waxa uu ka shaqeyn doonaa u kuur-gelidda warqadaha ruqsadda ah ee la siinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka soo galaya, si loola socda dhaq dhaqaaqooda, waxbadan ah ayuuna qaranka ku soo kordhin doonaa” ayuu sheegay Wasiir kuxigeenku.
Agaasinka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Wasaaradda horumarinta adeega bulshada Aweys Sheekh Xadaad,ayaa isana hadal uu ka jeediyey madasha waxaa uu ku soo qaaday dar daaran uu u jeedinayo shaqaalaha loogu talla galay inay xafiiskaan ka howlgalaan,waxana uu sheegay inay muhiim tahay in laga dhabeeyo shaqada uu qaban doonno xafiiska cusub ee garoonka lugu soo kordhiyey ,iyadoono uu ku sheegay inay arrinta ku imaan karto shaqaalaha xafiiska oo xilliga shaqadooda si aad ah u ilaaliyaan ayna howsha loo dhiibay u gudtaan si hufnaani ku jirto.
Xafiiskan cusub ee logu ogaanayo dhaq dhaqaaqa ajaanibta ku sugan guddaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yimid xilli ay soo bateen ajaanibta ka howlgasha guddaha dalka.
____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho