Muqdisho[RBC Radio]War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey dil maanta magaalada Muqdisho loogu geestay dhaqaatir isagu jirtay ajaanib iyo Soomaali.
Dhaqaatirta Muqdisho lugu dilay ayaa qar kood waxaa ay ahaayeen ajaanib u dhalatay dalka Siiriya,waxana ay ka howlgali jireen isbitaalka gaarka loo leyahay ee Fiqi.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan lugu dilay dhaqaatirta mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka Dhakhaatiirta in sharciga la horkeeno.
Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay Dhakhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3 da takhaatiir ee Siiriyaanka ah oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho