Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Madaxweyne Xassan Sheekh oo Ka tacsiyeeyay geeridii xildhibaan Sokorlin

$
0
0
Madaxweyne Xassan Sheekh

Madaxweyne Xassan Sheekh

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii caawa ku timid Xildhibaan Xasan Muxumed Cali (Sokorlin) oo magaalada Muqdisho xanuun awgiis ugu geeriyooday.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa, xildhibaannada sharafta leh iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii Xildhibaan Sokorlin oo caawa ku geeriyooday, waxuuna Eebbe uga baryey inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka geeriyoodayna uu Samir iyo Iimaan Alle ka siiyo.
Geeridu waa xaq, Innaa Lillahi Wa Inna Illeyhu Raajicuun, Marxuum Sokorlin waxuu ahaa shaqsi u istaagnaa inuu u adeego Qaranka Soomaaliyeed, Madaxweynaha ayaa ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay cafiyaan marxuumka, isla markaana loo soo wada duceeyo. AAMIIN
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles