Muqdisho[RBC Radio]Alle ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii ku geeryoodey hoteel Muna ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka geeryodey ayaa waxaa lugu magacaaba Xasan Maxumad Cali waxana uu ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu sheegay in marxuumka uu u geeriyooday xanuun hayay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa XIldhibaannada Golaha Shacabka oo isagu goor dhoweyd oo caawa ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi uga diro anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka geerida naxdinta leh ee ku timid caawa Allaha u naxariistee walaalkeen Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qoyskiisa iyo carruurtiisa,guud ahaanna dadka Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeynayaa Xildhibaankooda oo geeriyooday”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey Marxuumka geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa,carruurtiisa iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho