Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maamulka Isbitaalka Fiqi oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Dilay Dhakhaatiirtooda

$
0
0

Muqdisho (RBC) Maamulka isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Fiqi ayaa ka hadlay dhacdadii maanta lagu beegsaday dhakhaatiir ka tirsaneyd isbitaalkooda duleedka magaalada Muqdisho.

Dr C/raxmaan Macalin Fiqi oo ah agaasimaha isbitaalka Fiqi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay uuna cambaareynayo falka koox hubeysan ay ku toogteen afar dhakhtar iyo labo nin oo ilaalo u ahaa xilli ay ku sii jeedeen xarunta isbitaalka oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

“Dhakhaatiirta waxay ahaayeen mid qaabilsan cudurada guud, mid qaabilsan cudurada dumarkaa iyo labo dhakhtar oo qaabilsan afka, sanka iyo dhegaha. Waxay ku sii jeedeen xarunta isbitaalka xilliga la weeeraray.” ayuu yiri Dr Fiqi oo faahfaahin ka bixinayey weerarka.

Wuxuu sheegay in dhakhaatiirtan Suuriyaanka ah ay la joogeen mudo labo bilood ah kaliya, ayna ahaayeen rag Muslimiin ah oo jooga waddan Muslim ah isla markaana uusan garaneyn sababta loo weeraray dad u adeegaya bulshada dhibaateysan oo weliba qabanaya adeeg caafimaad.

Wuxuu sheegay in isbitaalka uu ku yaallo wadada Ceelasha Biyaha meel u jirta illa 1km marka laga degto wadada laamiga ah, halkaasina ay ahayd meesha ay u galeen rag hubeysan oo baabuur watay oo wadada ku gooyey baabuurkooda ka dibna toogtay dhakhaatiirta iyo ilaalada la socotay intaba.

Mar uu ka hadlay dhaawaca dhakhtar shanaad ayuu sheegay Dr Fiqi in xaaladiisu ay fiican tahay dhakhtarkaasi ayna u rajeynayaan caafimaad.

Mar la weydiiyey in waxdigniin ah ay horey u soo gaartay ama ay jirtay canbsi ay dareemayeen ayaa wuxuu Dr C/raxmaan Fiqi sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo horey ay ula kulmeen, mana fileynin ayuu yiri in weerar ama dhiaato naloo geysan doono.

Maamulaha isbitaalka Fiqi ayaa sheegay inaysan dhacdadan niyadjabin doonin, ayna sii wadi doonaan shaqada isbitaalka uu hayo si loogu adeego bulshada isla markaana isbitaalka oo ah mid qoyskiisu leeyahay uu sii furnaan doono.

Bishii Luulyo 19-keedii sanadkan ayaa niman hubeysan waxay toogteen agaasimihii isbitaalka Fiqi marxuum Cismaan C/raxmaan Fiqi oo ahaa wiil uu dhalay Dr C/raxmaan Fiqi.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles