Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muscat ee xaruunta dalka Cumaan,waxaa lugu soo gaba-gabeeyey shirka Baarlamaanka dalalka Carabta kaaso mudo ka socday.
Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay arrimo dhoor ah,iyadoona ay ka qeyb galeen wafti ka socda Baarlamaanka Soomaaliya.
Waftiga shirka ugu qeyb galay Soomaaliya waxaa hoggaaminayey Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka,waxana uu sheegay Prof Dalxa in shirka uu yahay mid sanadle ah oo lagu qaban jiray Qaahira ee xarunta dalka Masar, laakiin sanadkaan lagu qabtay dalka Cumaan, loogana hadlay arrimo kala duwan oo dalalka Carabta quseeya oo ay Soomaaliya ka midtahay.
Maxamed Cumar Dalxa,sidoo kale waxaa uu sheegay in sannadkan si weyn looga hadlay sidii dalalka carabka ay Soomaaliya u gacan qaban lahaayeen,waxana uu inta ku daray inay isla garteen in shir dhaqaale loogu aroorinayo Soomaaliya la qabto,si gacan loo siyo.
“Shirkii sanad lahaa ahaa ee wadamada carab baarlamaanadoda ay ka qeyb gali jiraan ayan sannadkan ka qeyb galay sida caadada ahaayd,waxana uu ahaa shir muhiim uu ah Soomaalida,waxana shirka ka soo baxay arrimo dhoor ah oo ay ka midtahay in soomaaliya loo sameeyo yabooh, iyadoo shir ay carabtu yeelan doonaan horaanta sanadka cusub, iyadoo xildhibaanada carabta aan uga warbixinay isbadalada dalka ka jira” ayuu yiri Dalxa.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho