Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20445

Nicholas Kay :dagaallada ka socda qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya waxay dhimi karaan horumarka dalka

$
0
0
Nicholas Kay

Nicholas Kay

Muqdisho[RBC Radio]Sida lugu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay,ayaa lugu sheegay in walaac xooggan uu ka qabo dagaallada ka socdo qeybo ka mid ah gobollada koonfurta ku yaalla ee Soomaaliya.

Qoraalka waxaa lugu sheegay in isku dhacyada hubeysan ee ka socda gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan,ay wax u dhimi doonan horumarka dalka uu ka sameynayo dhinacyada nabadda iyo xasilloonida.

“Waxaa walac xooggan ka qaba dagaallada waxana muhiim ah in si dhaqsa ah looga hortago inay sii fidaan,waxay dhalinkaraan dagaallada inay is dhin ku sameeyaan horumarka dalka uu ka sameynayo dhinacyada nabadda iyo xasilloonida”ayuu yiri Nacholas Kay.

Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa u jeediyay dowladda federaalka ee Soomaaliya inay si dhab ah ula tacaasho dhacdooyinkan,waxana uu inta ku daray baaq uu ku diray in ciidanka dowladda ay jooga goobaha ay dagaallada ka socdaan ay noqdaan kuwa isku dhaf ah oo xushmaynaya sharciga iyo kala dambeynta.

Nacholas Kay waxaa uu sidoo kale qoraalkisa ku soo qaday inuu soo dhoweenayo dadaallada socda ee lagu xallinayo khilaafaadyada jira, isagoo sidoo kalena soo dhoweeyay walaaca uu muujiyay madaxweyne Xassan Sheekh ee ku aaddan dagaallo beeleedyada socda.

Intaas kaddib waxaa uu ugu baaqay dowladda inay si buuxda u baarto waxa dhacay, ayna caddaaladda hor keento kuwa jebiyay sharciga,dowladda ayuu sidoo kale ugu baaqay inay ilaaliso dadka sida xaqa u leh dhulka iyo deegaanka,waxana uu inta ku daray inuu Odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiye beeleedyada ay qeyb ka qaatan xalka lugu damin karo coolaadahi oo u dhexeya beelo wada degga gobollada.

____

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20445

Trending Articles