Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

DEG DEG: Nabadoon Caan ahaa oo Lagu Dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

raxanreeb_degdeg342Gaalkacyo (RBC) Nin nabadoon ahaa oo si weyn loo yaqaano ayaa maanta lagu dilay xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Allah ha u naxatriiste nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax Axmed ayaa niman hubeysan waxay ku weerareen meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla xaafada Garsoor.

Rasaasta lagu toogtay nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyootay haweeney goobta ka dhoweyd taasoo ay haleeshay rasaasta.

Ma jirto cid qabatay ama aqoonatay kooxda hubeysan ee weerarka geysatay, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in raggii weerarka geystay ay goobta isaga carareeb.

Taliska booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkan.  Lamana yaqaano sababta ka dambeysa dilkan oo ku soo beegmay xilli Puntland ay isu diyaarineyso doorashada madaxtinimada oo dhacaysa bisha Jannaayo ee 2014.

Waxaa weerarka goordhow ka hadlay qaar ka mid ah musharixiinta u tartameysa doorashada madaxtinimada maamulka Puntland.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles