Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maxaa ka cusub Garoowe Maanta?

$
0
0

huu

Garoowe (RBC RADIO) Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland oo Maalmahan la ciir ciiraysa Xasarad Siyaasadeed  iyo Doorashooyin khilaaf wali ka taagan yahay ayaa saaka ku waabariisatay jawi dagan iyadoo wax warar ah aysan Saaka soo ban dhigin dhinacyadii shalayto Shirka ku kala kacay ee is fahmi waayay kadib markii ay Dowladda talada Haysa ee Puntland iyo Musharaxiintu Qodobadii ay isla soo qaadeen uu is maan dhaafku ka dhashay.

 

Maanta waxaa Xarunta PDRC Ku shirsan Nabadoonada Gobolka Nugaal intooda badan lamana yaqaano waxa ay ka hadlayaan sidoo kale meel aan ka fogayn Qolka ay ku jiraan Nabadoonada waxaa iyana ku shirsan qaar ka mid ah Isimada oo iyana aan wali la xaqiijin wax yaabaha ay ka wada shirayaan, waxayse dadku qiyaasayaan in shirarkan ay la xiriirto sidii loo kala dhex gali lahaa Musharaxiinta iyo Dowladda talada ahaysa si meel dhaw leysugu keeno fikirada kala fog fog ee u baahan in la kala xasiliyo.

 

Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo Gaalkacyo ka soo baqoolay ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Garoowe iyadoo si weyn loo hadal hayay Imaanshihiisa waxaana la filayaa in uu qayb ka noqon doono Isimada la filayo in ay garta galaan sidoo kale waxaa la filayaa in Gobolada kale ee Dalka ay Isimo ka yimaadaan sida uu horay u xaqiijiyay Suldaan siciid Maxamed Garaase.

 

Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa ka duwan sidii shalay ay ahayd maadaama Shirar ay ka soko mareen khilaafaad iyo isu jawaabid ay Shalay magaalada ka dheceen, Dadka siyaasada Odorasana waxay sheegeen in Xaaladan taagan ay xasilin doonaan Isimada Puntland Go’aan midaysanna la wada qaadan doono taasoo gogol Xaar u noqon doonta Doorasho Xalaal ah oo ka dhacda Puntland.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles