Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Musharaxiin iyo Maamulka Degmada Garoowe oo soo dhaweeyey Islaan Bashiir (Sawirro).

$
0
0

 

bshiir

Garoowe (RBC RADIO) Maamulka Degmada Garoowe  Cabcasiis Nuur Cilmi koor iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Gaas iyo Awaare ayaa banaanka Magaalada uga hortagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo Gaalkacyo ka yimid si uu uga qayb galo kulanka Isimada Garoowe uga furmay waxaana Duqa Degmada oo ka hadlayay goobtii lagu soo dhaweeyey Islaanka sheegay in ay ku faraxasan yihiin Degmo ahaan in Magaalada ay kusoo dhaweeyaan Islaan Bashiir oo mudan qadarin iyo qiimo ayna diyaar la yihiin Degmo ahaan la sahqaynta Isimada Puntland.

 bashiir,,,

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo saxaafada hadal kooban siiyay wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada, wxuu sheegay islaanku in uu Garoowe u yimid ka qayb qaadashada  Xalinta Xaalada khilaafaad ee hada ka jirta Puntland isagoo ku baaqay nabad iyo Wanaag in mar walba laga shaqeeyo, wuxuu kaloo sheegay in uu doonayay Safaro fog in uu u boxo hase ahaatee uu Mudnaanta siiyay Xaalada Dalka sidaana uu ku yimid.

bashiir,

Imaanshaha Islaan bashiir waxay kusoo beegmaysaa  iyadoo horay Suldaan siciid Maxamed garaase uu u sheegay in Magaalada ay kusoo fool leeyihiin Isimo kale si kaalintooda ay uga qaataan xalinta khilaafaadka u dhexeeya Xukuumada Puntland iyo Musharaxiinta u tartameysa hogaanka Puntland.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles