Garoowe (RBC RADIO) Dumar gaaraya 3 kana mid ah haweenka doonaya in ay helaan xilka Xildhibaanimo ee Puntland ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey Hotel NewReys ee Magaalada Garoowe waxaana casumay Haweenka Talo-Wadaag ee Xaruntoodu tahay Caasimada, Kulankan ayaa ahaa mid dhiiri gelin ah oo Haweenkan loogu sheegayay in ay xaq u leeyihiin in ay u tartamaan Xilka xildhibaannimo ayna xaqooda soo dhacsadaan.
Haweenkan doonaya xilka xubinnimadda baarlamaanka Puntland ayaa waxay kala yihiin Xaawo Xasan Maxamed,Caasho Cabdilaahi Maxamed iyo Muxubo Cismaan waxayna kasoo jeedaan Gobaladda Sanaag iyo Gardafuu,haweenka Talowadaag ayaa soo dhawayn ballaaran magalada ugu sameeyay,waxayna ku dhiiri galiyeen inaysan ka niyad jabin raadinta xilkaasi.
Saddexda haween ee xilkaasi raadinaya ayaa sheegay inay ka go’an tahay haddii ay guulaystaan inay muujin doonan xaqa haweenka ee ay ku lee yihiin xukumadda ayna u doodi doonaan ka hortaga Xadgudubyada ku dhaca Dumarka iyo Caruurta.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.