Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

FAAHFAAHIN: Weerarkii Lagu Dilay Dhakhaatiirta Ajnabi Iyo Soomaali Isugu Jira oo Lagu Eedeeyay Al Shabaab

$
0
0

raxanreeb_degdeg342Muqdisho (RBC) Saraakiisha amaanka ee wadada isku xirta Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo garay goobtii lagu dilay afar dhakhtar oo saddex ka mid ah ahaayeen ajnabi ayaa goordhow ka hadlay weerarkaasi.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay soo qaadeen meydka afar nin oo saddex ay ahaayeen Carab ka soo jeeda wadanka Suuriya kuwaasoo ahaa dhakhaatiir ka hawlgali jirtay isbitaalka Fiqi ee ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Guud ahaan dadka ku dhintay ayaa kala ah; saddex dhakhtar oo Suuriyaan ah, hal dhakhtar oo Soomaali ah iyo darawalkoodii oo Soomaali ah, waxaana weerarka ka badbaday dhakhtar kale oo ajnabi ah.

Col Axmed Xasan oo ka mid ah saraakiisha amaanka ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo warbaahinta goordhow la hadlay ayaa sheegay in xogta ay ku heleen in rag wajiyada soo duubtay oo hubeysnaa isla markaana watay baabuur moociisa ahaa TOYOTA NOAH ay geysteen weerarka, markii ay raadraac ku sameeyeena ay ogaadeen inay ahaayeen Al Shabaab.

Ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa dawlada ayaa gaaray goobta inkastoo kooxda weerarka geysatay ay goobta isaga baxsadeen markii ay weerarkan fuliyeen ka dib.

Ma jirto wax hadal ah oo maamulka isbitaalka Fiqi ka soo baxay, waxaana weerarkan uu noqonayaa weerarkii labaad oo lagu qaado dhakhaatiir ka tirsan isbitaalkan.

Bishii Agoosto ee sanadkan ayay ahayd markii rag hubeysan ay toogteen dhakhtar ka tirsanaa isbitaalka Fiqi oo xilli habeen ah bishii Ramadaan lagu toogtay agagaarka isbitaalka xilli uu ka soo baxay masjid ku dhow isbitaalka oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles