Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Garaad Jaamac Garaad Cali:Issimada soo jireenka ah ee Sool iyo Cayn wax xildhibaano ah uma diri doonaan Puntland mana dhacayso[Dhageyso]

$
0
0
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali

Gaalkacyo[RBC Radio]Xilli inta badan gobollada Puntland looga diyaar garoobayo sidii looso gudbin lahaa xildhibaanada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa haddana waxaa ay wali diidmo xooggani ka soo baxaysa beelaha gobollada Sool iyo Cayn oo iyagu horey ugu dhawaaqay maamul lamagac baxay Khaatumo.

Illaa haddana lama xaqiijin karo habka ay ku iman doonaan xildhibaanada metelaya beelahaasi,waxana ay arrintaan imaanaysa xilli deegaannada Puntland oo dhan laga dareemo hadal haynta ku aadan soo xulista wakiilada cusub.

Mid ka mid ah madaxdhaqamedka ugu caansan gobollada oo lahadlay warbaahinta guddaha ayaa sheegay inan dhankooda looga fadhin keenista xildhibaano,maadamaa horey ugu midooben dhismihii Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee gobolladaas ayaa isagoo wareysi siinaya Radiyaha Daljir,waxaa uu xaqiijiyey in xilligaan uu ka digayo in rag metelaya gobollada Sool iyo Cayn in lagu daro Xildhibaanada baarlamanka Puntland ee haatan la soo xulayo, hadii ay dhacdo arrintaas waxaa uu ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn.

“Waxaan si cadd idin ku xaqiijinaya in issimada soo jireenka ah ee Sool iyo Cayn aysan wax xildhibaano ah uu diri doonaan Puntland mana dhacayso.” Ayuu yiri Garaad Jaamac

Sidoo kale garaadku waxaa uu sheegay inaysan meesha ka marneyn wada-hadal ay la qaatay issimada,si ay isimada Puntland ugu wada-hadalaan wax walba oo dhacay, taasna ay tahay mid soo jireen ah in xal laga gaaro khaladaadka.

Dhinaca kel waxaa la sheegaya in xilligaan gobollada laga dareemayo dhaqdhaaq lagu soo xulayo Xildhibaano metela beelaha gobolladaas qaarkood oo haatan socda.


http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2013/12/Halkaan-ka-dhageyso-Garaad-Jaamac-Garaad-Cali-1.mp3

______
RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles