Muqdisho[RBC Radio]Warar goor dhawed naga soo gaaray deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho,waxaa ay soo sheegayaan in halkaasi ay koox dabley ah jidka u gashay dhaqaatiir isgu jirta Soomaali iyo Ajnibi.
Kooxdan dhaqaatirta jidka u gashay waxaa la sheegen inay rasaas ku fureen gaari siday,waxana rasaas taasi ay sababtay dhimashada afar dhaqaatiir oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ah.
Dhaqaatirtan la dilay waxaa la sheegay in saddex ka mid ah ay ahaayeen Suuriyaan, halka midka kalena uu ahaa Soomaali, kuwaasoo ka howl galayay Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.
Dhaqtarka geeryodey ee ahaa Soomaaliga ayaa waxaa lagu magacaabaa Dr C/kariin Sanweyne, wuxuuna kamid yahay dhaqaatiirta la dilay.
Agaasimaha Isbitaalka Fiqi oo ay dhaqaatirtu ka howlgali jireen Dr Fiqi ayaa Raxanreeb u xaqiijiyay geerida dhaqaatiirtaan, waxaana uu caddeyey in saddex dhaqaatiir oo Ajaanib ah iyo hal dhaqtar oo Soomaali ah ay geeriyoodeen.
“Goor dhaweyd ayey ahaayd,marka ay na soo gartay geerida dhaqaatirta oo ka howlgali jirtay isbitaalka Fiqi,waxana ay ahaayen saddex dhaqtar oo ajanibi ah iyo dhaqtar Soomaaliyed,waxaana ay u dhinteen rasaas la sheegay in gaarigoodii lugu riday”ayuu yiri Dr Fiqi agaasimaha Isbitaalka Fiqi.
Kooxda hubeyneed ee jidka u gashay dhaqaatirta ayaa rasasa oo da uga qaaday gaariga ay sarnaayen dhaqaatirta waxana la sheegen inuu gaarigu ka yimdi dhaqaatirta siday dhinaca Muqdisho, isagoona ku sii jeeday Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.
Dhinaca kale warar ay sheegen dad ka ag dhawaa deegaannka dhaqaatirta lugu dilay waxaa ay sheegen in raggii hubeysan ee weerartay dhaqaatiirtan ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda.
Dableyda weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, iyadoo aan la garan heybtooda,waxana gaaray goobta dhaqaatirta lugu laayey ciidamo ka tirsan dowladda.
____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho