Baydhabo[RBC Radio]Maamulka gobolka Baay ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shir ka socda magaalada Baydhabo oo xarun uu ah gobolkaasi,waxana shirka lugu sheegay inuu yahay mid lugu dhisayo maamul goboleed ay yeellanayaan gobolleedka koonfur galbeed Soomaaliya.
Waxana maamulka uu sheegay in shirka uu yahay mid ay ka soo horjeedan maadamaa ay ku sheegen inuu yahay mid an loo dhameyn.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Baay Shiine Macalin Nuuroow,oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay ka digayaan sii so coshada shirkaas,isagoona tilmaamay inusan wali furmin shirkii lugu doonayey in lugu dhiso maamul la doonayo in gobollada loo dhiso.
“Waxan idin sheegana shirka hadda ka socda Baydhabo ma ahaa kii lugu dhisayey maamul gobolleed,waxana idin xaqiijinayna inusan wali furmin shirkii lugu dhisi lahaa maamulka la doonayo gobollada inay yeeshaan”ayuu yiri Shiine Macalin Nuuroow oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Baay.
Guddoomiyuhu waxaa uu soo hadal qaaday shirka xilligaan socda inuu yahay mid an loo dhameyn oo aysan ku imaan karin sii socoshadiisa maamul gobolleed,waxana uu inta ku daray 25-ka bishana uu furmayo shirka lugu dhisilaha maamul gobolledka.
Shiine Macalin Nuuroow,waxaa uu ugu danbeyntii soo hadal qaaday inay socdaan kulamada watashiga ah oo lugu doonayo in lugu soo dhameystiri ergada ka soo qeyb galaysa shirka la doonayo inuu furmo 25-ka bishana anu ku gudda jirno.
Hadalka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay waxaa uu imaanaya xilli magaalada Baydhabo uu galay shirka ka socda wajigiisi labad,inkasto ay jiraan wali dhinacyo shirkaasi isku diidan.
___
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo