Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Dowladda faderaalka Soomaaliya oo sheegtay inay caddeymo u hayaan taageerada ay siiso Eretria Al Shabaab

$
0
0
Axmed Cabdi Salam

Axmed Cabdi Salam

Addis Ababa[RBC Radio]War ka soo baxay safiirka  Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia Axmed C/salaam,ayaa lugu sheegay in dowladda Eretria ay xilligaan sii waddo teegeerada ay siiso kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee carqalada ku ah xasiloonida Soomaaliya.

Axmed C/salaam safiirka  Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia,waxaa uu soo hadal qaaday inay hayaan daliilo muujinayo taageerada Eretria ay siiso kooxaha dagaalka iyo carqaladenta ka wadda guddaha Soomaaliya.

Xarunta warfaafinta Ethiopia Walt,ayaa soo daabacday war ay ka soo xiganayso safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa Axmed Cabdi Salam,waxana lugu sheegay in dowladda faderaalka Soomaaliya ay xilligaan indha dheer ku eegayso dhaq dhaqaaqa ay wado Eretria ee ku aadan garabsiinta kooxaha dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda.

Dhinaca kala warka ay ka soo xiganayso safiirka xarunta warfaafinta Ethiopia Walt,waxaa lugu sheegay  in shacabka iyo xukuumada Soomaaliya ay soo dhaweenayaan go’aanka  dowladda Ethiopia ay ku doonayso inay ku biirto ciidamada Midowga Afrika kaga sugan Soomaaliya ee ku howlgalaya magaca AMISOM,waxana uu shaaca ka qaaday in ciidamada Ethiopia ay xoojin doonan kuwa hadda howgalka ka wada Soomaaliya.

Safiirku sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamad Ethiopia  ay noqon karaan kuwo door muqda ka ciyaarikara dibu soo celintii xasiloonida dalka iyo nabadeyntiisa.

…”‘”‘Mar walba kama marmeyno ciidamad Ethiopia ,waxana xilligan guddaha Soomaaliya ka jira soo kabasho dhinac aamniga ah,iyadoo ay taa jirto haddana amniga waxaa uu isbadal muuqada ku imaan karna markii an taageero ka helno dowladda Ethiopia…”"‘ayuu yiri safiirka  Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia Axmed C/salaam.

Hadalka safiirka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ciidamada Ethiopia,dhawaan war ka soo baxay lugu sheegay inay qeyb ka noqon doonan ciidamada AMISOM ee ku sugan guddaha Soomaaliya.
_______
RBC Radio
Xafiiska Addis Abab

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles