Muqdisho[RBC Radio]Midowga Yurub ayaa xilligaan usoo magacaabay tababarka ay siin jireen ciidanada Soomaalida taliye cusub oo howsha u qaabilsanan doonna.
Ciidamada Soomaalida ayaa inta badan tababarka waxaa siyaa saraakil ka socota dalalka Midowga Yurub,waxana uu qorshuhu yahay in la helo ciidamada Soomaaliyed oo si buuxa ula wareegi kara amniga dalka.
Xilligaan ammaanka Soomaaliya waxaa uu xilsaaran ciidamo isgarabsanaya kuwaaso ka socda dalal dhoor ah oo Afrika ka tirsan,waxana ay ku howlgallaan magaca AMISOM.
Arrinta magacaabista taliyaha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsanan doonna tababarka ciidamada Soomaalida ayaa soo shaac baxay kaddib war Midowga Yurub uu soo saaren oo lagu shegay in la soo magacaabay taliye cusub sargaal u dhashay dalka Talyaaniga,kaaso lagu magacaabo General Massimo Mingiardi oo noqonaya taliyaha cusub Midowga Yurub ee qaabilsan taba barka ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale warka ka soo baxa Midowga Yurub waxaa lugu sheegay in taliye General Massimo Mingiardi shaqadisa bilaaban doono 15 bisha Febraayo ee sanada 2014 waxana uu hoggaanka kala wareegay General Gerald Aherne oo sannadkii hore loso magacaby inuu bixiyo taba barka la siinayo ciidamada Soomaliya.
Si kastaba ha noqote Midowga Yurub ayaa soo bilaaway tababarka ciidamada Somalia sanadi 2010-kii waxana ay tababaren ku dhawaad 3600 askari,saraakisha Midowga Yurub aya sidoo kale kala taliya wasarada difaaca Soomaaliya arrimaha siyaasadda iyo dajinta istaaritijiyada dagaal iyo horu marinta dhanka amaanka.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho