Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maamulka Jubba oo ka hadlay amniga Kismaayo

$
0
0

indexKismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa faah-faahin ka bixiyey amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose saldhigna uu ah maamulka,kaddib markii ay soo bateen falal amniga lidi ku ah.

Mudadii danbe ayaa waxaa Kismaayo ka dhacayey  dilal qorsheysan oo loo geysanaye xubno ka tirsan maamulka Jubba iyo dad shacab ah.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah madaxweyne ku-xigeenka koobad ee maamulka Jubba ayaa sheegay in xilligaan xal buuxa laga gaaray falalkii amniga wax u dhimayey oo ay dilalka ku jireen.

…”"”"Waxbadan ayaan guul ka gaarnay,waxana uu qorshuhu yahay inaysan soo laaban markale dilalkii sida isdaba jooga ah Kismaayo uga dhacay,xilligaan indha dheer ayan wax walba ku eegena mana surtagalayso dil danbe in si sahal ah oo magaalada uga dhaco….”"”ayuu yiri Fartaag.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Jen Fartaag  in ammaanka magaalada uu yahay iminka mid wanaagsana ayna ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka,waxana uu inta ku daray  dilalkii maalmahan ka dhacaye magaalada Kismaayo ay ahaayeen kuwa la doonaye in lagu carqaladeeyo sida uu yiri dhameystirka Maamulka Jubba oo ay jiraan xubno badan oo kasoo horjeeda maamulkaasi.

Waxaa uu xaqiijiyey janeraalku in magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo loogu tala galay inay xaqiijiyan amniga,iyadoona lagu daadiyay guddaha magaalada waxana  habeen iyo maalin dhexwareega ciidan ka tirsan mamulka Jubba oo qaarkood dhawaan tababar kasoo baxay, ammaanka Kismaayana sugga.

Hadalkaan ayaa yimid kaddib markii toddobadkii ano soo dhafnay ay guddaha Kismaayo ka dhaceen dilal is daba joog ah oo lugu beegsadey mas’uuliyin ka tirsan maamulka iyo dad rayid ah.
_________
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles