London[RBC Radio]Talefishinka laga leeyahay dalka Ingiriiska ee la yirahdo Channel 4 news,ayaa wareysi gaar ah la yeeshen afhayeenka xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, waxaana waraysigaas oo ku baxayay afk Soomaaliga, kaasoo soconayay afar daqiiqo.
Wariyaha Soomaaliyed ee ka tirsan talefishinka kubaxa afka Ingiriisaga ee Jamaal Maxamuud Cismaan ,oo wareysanayey Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ah afhayeenka Ururka Al Shabaab ee dagaallka xooggan kala soo horjeeda dowladda faderaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee isgarabsanaya, ayaa ugu horreyn weydiiyey muhiimada ay ka leeyihiin dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ,waxana uu Sheekh Cali Dheere sheegay in Soomaaliya ay ka doonayan in sharciga Islaamka lugu dhaqo oo ay ajaanibtu ka baxaan.
…””’Annaga Soomaaliya muhiimada an uga dagaallamayna waxaa ay tahay in shareecada Islaamka lugu dhaqo,oo ay ka baxaan ajaanibta,inta an hadafkasna ka gaarayno wan dagaallamayna…”"‘ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere afhayeenka Ururka Al Shabaab waxaa la weydiiyey sababta ay u weeraren xaruntii ganacsiga ee ku taalla magaalada Nairobi Westgate shopping mall,waxana uu ugu jawaabay inay ujeedka weerarkaasi uu ahaa argoosi.
…””’Kenya iyada ayaa dalkeena weerartay oo na adaaya inbadan ayaan niri,waxaana uu sheegena wiilashena kuwooda kama liitan,xaruntooda ganacsi teena kama liidata oo ay laayan,annagana waan ku wadeynaa dagaallka tan iyo inta ay nagabaxayaan,wana ku faraxsanahay weerarka…”"‘ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa la weydiiyey Cali Dheera inay soo bandhigi doonnan raggii weeraray dhismaha ganacsiga iyo inkale,balse waxaa uu sheegay inay ku xirantahay sida ay u arkaan munaasabad.
Sidoo kale su’aall muhiin ah ayaa la weydiyey afhayeenka Al Shabaab,waxaana la yiri “ma dhigi doontan hubka oo dowladda mala heshin doontan”balse waxaa uu uga jawaab celiyey inaysan gumaysi aqbali doonin oo aysan madaxa u horsan doonin.
Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in caadowga Al Shabaab ee koowad uu yahay Marekanka halka dalka labad ee cadowga ku ahna uu ku sheegay dowladda Ingiriiska.
Daawo wareysiga hoos
_______
RBC Radio
Xafiiska London