Boosaaso(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa bam-gacmeed lagu weeraray Hotel Rooble oo agyaala nawaaxiga Saldhiga dhexe.
Goobta qaraxu ka dhacay oo ah afaafka hore ee Hotel Rooble xiliga weerarku dhacayeyna dad badan buuxeen ayaa qof aan ilaa hadda haybtiisa la aqoon ,wuxuu ku tuuray bam-gacmeed.
Bam-gacmeedka oo ay khasaare kazoo gaartay ilaa shan qof oo isugu jirta rag iyo dumar ayaa Raxareeb Online loo xaqiijiyey,waxaana dadkaas dhammaantood la geeyey Isbitaalka weyn ee Boosaaso.
Saraakiisha Isbitaalka ayaa Raxanreeb Online u xaqiijiyey in dadka dhaawacaha ah ee lasoo gaarsiiyey haweeney kamid ahayd geeriyootay,
Waxayna intaas ku dareen in dadkaas uu ku jiro Xeer ilaaliyaha Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari Bashiir Hoobaley iyo Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamada Maxamuud Cadceed balse dhaawacoodu yahay mid fudud.
Xeer ilaaliye Bashiir Hoobaley oo la hadlay Saxaafadda magaaladda ayaa sheegay in dhaawac fudud kazoo gaaray feeraha iyo lugaha isla markaana Xaaladiisu tahay mid fiican….
Dhanka kale ,waxaa Iyana jirtay in qaraxan uu ka horeeyey mid kale oo loo maleynayo in uu yahay bam-gacmeed,kaas oo laga maqlay Xaafadda laanta Hawada ee magaaladda Boosaaso lamina sheegin cid wax ku noqotay.
Ciidamada ammaanka oo u soconaya si raxanraxan ah ayaa caawa ka bilaabay Xaafadaha magaaladda qaar kamid ah gaar ahaana Xaafadda laanta Hawada baaritaan iyagoona guryaha mid mid u galayey.
Faah-faahinta kala soco Raxanreeb Online
__________________
RBC Radio