Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Soomaaliland oo waxba kama jiraan ku sheegtay warbixin uu ka sheegay Nicolas Kay

$
0
0
Mawliid Maxamed Ibraahim

Mawliid Maxamed Ibraahim

Hargeysa[RBC Radio]Maamulka Soomaaliland ayaa si kulul markii ugu horreysay ugu hadashey warbixin uu wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Nicolas Kay ka jeediyey xarunta Qaramada Midoobay,waxana ay warbixinta ku sheegay inaytahay mid waxba kama jiraan ah  oo uu ergeygu isagu sameystay.

Warkaan ayaa lugu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland,waxana la sheegay inay Soomaaliland dhaliilsan tahay habka uu warbixinta ugu gudbiyey Nicolas Kay oo ah u qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliland waxaa ay sheegtay in Nicolas Kay,uu sheegay in guddaha Soomaaliland lugu xirxiray qaar ka mid ah mucaaradka Soomaaliland,waxana ay sheegen inaysan jirin cid ka tirsan mucaaradka oo ay xirtay xukuumada xilligaan tallada haysa.

Mawliid Maxamed Ibraahim oo ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda maamulka Soomaaliland ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay waxaa uu ku sheegay inuu Nicolas Kay uu warbiixn been abur ah ka sheegay Soomaaliland,waxana uu inta ku daray inay tahay warbixinta mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxana uu sheegay wasiir ku-xigeenku in loo bahna marka uu ka hadlayo xaaladda Soomaaliland Kay inuu wax kala soo socod siiyo xukuumada arrimaha uu ka jeedin doonno gollaha ammaanka hortooda ee la xiriirta Soomaaliland.

…””Waxaan idin sheegaya oo an halka ka caddeynayan in Nicolas Kay uu warbixin ka jeediyay jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, war-bixintiisana waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan illaa hadda ka furnayn Somaliland, taasi oo sababtii aanu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aanu xafiiskiisu ka shaqeynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Mawliid Ibraahim, waxaanu intaasku daray “laakiin waxaynu ogollaanay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada, ayaynu ogollaanay inay u shaqeeyaan sidoodii caadiga ahayd…””ayuu yiri Mawliid Maxamed Ibraahim.

_____
RBC Radio

Xafiiska Hargeysa

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles