Kampala[RBC Radio]Dalka Uganda waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda faderaalka Soomaaliya oo muddo dheer dalkaasi lugu tababarayey.
Xiritaanka tababarka ciidamada Soomaaliyed usoo dhamaadey waxaa ka qeyb galay madax kala gadisan oo ay ka mid ahaayeen abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi ,saraakiil ka socota midowga Yurub iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Uganda,waxana munaasabada xiritaanka soo agaasimay saraakiil ka socota Midowga Yurub.
Dhamaanba dhinacyadii ka soo qeyb galay munaasabada xiritaanka ayaa sheegay in wax lugu farxa ay tahay in ciidamo Soomaaliyed tobabar loo soo xiro kaddib markii muddo dheer ay qaadanayen.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi,oo soo xiray tababarka ciidamada Soomaalida usocday ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamada xilligaan tababarka qaatay ay isku diyaariyan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xasilinta dalkooda,iyagoona guddanaya waajibadka ciidan ee saaran.
…””’Waan ku farxeyna aragiina,waxaana idin ka dhalaaleysa gaasinimo,waxaa la’idin ka fadhiya sidii dalkiina ad u difaaci lahaayden maadamaa markii hore aad ahaydeen dagaalyahanno, balse xilligaan ad tihiin kuwo ku darsateen khibrad iyo aqoon waxaanad noqoteen ciidamo qaran oo leh xirfad sarraysa…”"”ayuu ku yiri Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madax kala gadisan iyo saarakil ciidan oo iyaguna khudbado ay jeediyen ciidanka ku guubabiyey waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha gudiga ciidamada milatariga ee Midowga Yurub General Patrick DE ROUSIERS, madaxa tababarrada ciidamada Midowga Yurub Brigadier General Gerald AHERNE iyo taliyaha ciidamada milatariga ee dalka Uganda Gen. David MUHOOZI.
Si kastaba dalka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada Soomaalida tababarada lugu siiyo,waxana xilligaan ciidanka tababarka loo soo xiray ay dhanyihiin 138,waxana markii la eego isku darka ciidanka lagu tababaray dalka Uganda uu gaarayo 3,600 tan iyo markii uu bilowday hawlgalka AMISOM.
Xafiiska Kampala