Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Isku Aadka Koobka Naadiyada Yurub oo Lagu Dhawaaqay iyo Kooxo Adag oo Isku Beegmay[Sawirro]

$
0
0

1

Zurich[RBC Radio]Magaalada Zurich ee xarunta xiriirka kubadda cagta ee yurub ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad looga dhawaaqay isku aadka 16-ka kooxood ee u soo baxay wareeggii labaad ee koobka horyaalka kooxaha qaaradda Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League, waxaana la sheegay in sannadkan uu tartankaasi leeyahay xiiso gaar ah kaddib markii ay isku aadeen kooxaha Arsenal Vs Bayern Munich iyo kooxaha Barcelona Vs Manchester City.

Isku aadkan 16-ka kooxood ee u soo gudbay wareegga labaad ee koobkan ayaa waxaa lagu saleeyay hab bakhtiyaa-nasiib ah, iyadoo aad loola yaabay sida ay isugu aadeen kooxahan adag oo ah kuwii baqdinta looga qabay inay koobkan qaadaan.

Kooxda Chelsea ee iyadu uu hoggaamiyo Macalin Morinho ayaa ku beegantay kooxda dalka turkiga ka socota ee Galatasaray oo u u ciyaaro ciyaaryahan Didier Drogba oo horey kooxda ugula guuleeystay koobkan.

Hoos Ka Akhriso Isku aadka oo Dhameystiran

Barcelona Vs Manchester City

Arsenal VS Bayern Munich

Chelsea Vs Galatasaray

Manchester Vs Olympiakos

AC Milan Vs Atletico Madrid

Bayer Leverkusen Vs Paris St-Germain

Schalke Vs Real Madrid

Zenit St Petersburg Vs Borussia Dortmund

Ciyaarta koobaad ee wareega 16ka ayaa waxaa la ciyaari doonaa 18-19 bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2014.

Ciyaarta ugu danbeysa ee koobka naadiyada yurub ayaa 24 May ee sanadka 2014 waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Lisbon ee caadimada dalka Portugal.

4 6 3 2 5 8

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles