Jubba[RBC Radio]Boqollaal Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Sudan gaar ahaana magaalada caasumada uu ah ee Jubba,ayaa soo sheegaya in xilligaan cabsi xooggan ay soo fod sartay kaddib markii dagaallo ay wali ka socdaan magaalada Jubba.
Cali Maxamed Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyed ee ku ganacsata magaalada caasumada dalkaasi uu ah ee Jubba ayaa goor dhawed la soo xiriiray shabakada Raxanreeb.com,waxana uu sheegay in xilligaan cabsi weyn ay ka qabaan in dagaalka socda uuu saameeyen ku yeesho.
…”"”Dagaal baa Jubba,ka socda,waxana ku nool Soomaali badan anigo waxan ka mid ah ahay dadka Soomaaliyed ee xarumaha shidaalka lugu iibiyo ka ganacsada,wayna jiraan Soomaali kale oo ganacsi badan ku leh magaaladan,xilligaan cabsi baa soo fodsartay Soomaalida waayo dagaalka dhacaya wuu sii xoogeysanaya,mana jirto wali dhimasho dad Soomaaliyed oo an magalnay…”"‘ayuu yiri Cali Maxamed Yuusuf.
Cabsida la soo gudboonatay Soomaalida ku nool dalkaas ayaa timid kaddib markii rasaas xoog leh iyo qaraxyo laga maqlayo wali xarunta dalka Koonfur Sudan ee Juba.
Dagaalka xoogan ee socda waxaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan madaxtooyada dalkaasi waxaana dagaalku uu xoogiisu ka dhacay xeryaha ciidamada.
Waxaa maanta la arkayey ciidamo xoog leh oo ku sugan wadooyinka caasimada waxana uu afhayeenka ciidamada dalkaasi Philip Aguer uu sheegay in ciidamada dowlada ay gacanta ku hayaan dalka.
Madaxweynaha dalka Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa la filayaa in dhowaan uu ka hadlo dagaalkan.
Ma jirto illaa hadda cid si cadd u faah faahisay dagaalka ka socda dalkaasi Koonfur Sudan,gaar ahaana magaalada caasumada ah ee Jubba iyo khasaaraha uu sababay.
____
RBC Radio
Xafiiska Jubba