Nairobi[RBC Radio]Tan iyo markii uu dhawaan magaalada Nairobi ka dhacay qarax bas ay saarnaayen dad shacab ah ayaa waxaa socday baaritaano xoog leh oo ay wadden ciidamada booliska dalka Kenya,waxana ay hadda soo bandhigeen sawirka wiil dhallinyaro ah oo lugu sheegay inuu Soomaaliyahay kaaso ay sheegen inuu qaraxaasi wax ka ogaa.
Boosliska ayaa sheegaya in ninkaan uu ku lug lahaa weerarkii la sheegay inuu ka dhashay bumbo lagu dhex qariyay gaari Matatu ah oo ka baxay xaafada Islii kuna sii jeeday bartamaha caasimada.
David Kimaiyo taliyaha ciidanka booliska Kenya oo saxaafadda usoo bandhigay sawirka wiilkaan ayaa sheegen in boolisku ay ka shaki qabaan loona baahan yahay inuu sharciga horyimaado si su’aalo loo waydiiyo,waxana ay intaa ku dareen boolisku ka dib markii baaritaan ay ku sameeyen qaraxaasi uu muujiyay in uu ku lug lahaa.
Booliska waxaa ay soo saaren waraaq lagu soo xirayo wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Nuur Maxamed,sidoo kale waxaa ay ku sheegen da’diisa 21jir.
Horrey ayaa ninkaan Soomaaliga ah Xuseen Nuur Maxamed dhowr bilood ka hor lagu soo daayay damaanad ka dib markii maxkamad loo soo taagay falal la xiriira argagixisinimo.
Waxaana booliska Kenya xilligaan ay codsadeen in gacan laga siiyo soo qabashada ninkaan Soomaaliga ah ee ay eedaha u haystaan.
Si kastaba ha noqotee booliska Kenya wali makala caddeeyn in qaraxa lala beegsaday gaariga Matatu ah uu ahaa mid lagu tuuray ama in uu ahaa mid gaariga la sii dhex dhigay.
______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi