Garoowe (RBC RADIO) shirkan waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Cilmi Baarita ee PDRC iyo Maamulka Gobolka Nugaal waxaana lagu kulmiyay dhamaan Xaafadaha Magaalada iyadoo ay ka qayb galeen maamulka Gobolka kan Degmada Taliska Ciidanka iyo Masuuliyiin kale waxaana lagu soo ban dhigay qodobo muhiim ah oo la xiriira Amaanka Casimada maadaama lagu jiro xili doorasho oo xaaladu ay xasaasi tahay.
Gudoomiyaha Gobolka Taliyaha Ciidanka Darwiishta iyo Nabadoono Madashaasi ka hadlay waxay daboolka ka qaadeen xoogana saareen Xaafadaha Magaalada oo ay ku booriyeen in Nabadgelyada ay tahay muhiim loona baahan yahay in Xaafaduhu ay ka tashadaan sidii ay ciidanka Dowladda ula shaqayn lahaayeen una qabsan lahaayeen shirar u gaar ah Maadaama Caasimadu ay Marxalad adag ku jirto ayna ka shaqeeyaan sidii Marxaladaasi loo dhaafin lahaa.
Sidoo kale waxaa shirkaais intuu socday looga hadlay Ciidanka Musharaxiinta iyo Dhamaan Ciidanka Amniga ee ku sugan Caasimada in aysan jiri karin qof hub iskala dhex wata Magaalada marka laga reebo inuu hawlgal ku jiro hadii arintaasi ay dhacdana waxay Maamulku sheegeen in Askarigaasi xabsiga la dhigi doono lalana xisaabtami doono cida uu la sahqeeyo waxaana intii uu shirkaasi socday lagu soo qaaday qaabka ugu wanaagsan ee doorashadau ay u dhici karto marka laga eego dhanka Amniga.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Doorashadu ay ka harsan tahay in kooban Musharaxiintuna ay kusoo qulqulayaan Magaalada si ay Doorashada uga qayb galaan waxaana magaalada habeenki ka muuqata Hawlgal xoogan oo ay sameeyaan Ciidanka taasi oo looga hortagayo Caqabad dhacda xiliga Doorashooyinka.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.