Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland waxaa lugu wadda in maanta uu ka furmo shir ay yeellanayaan ilaa sagal gobol oo Puntland ka tirsan Issimo ka socda.
Shir horu-dhac ah oo ay shalay yeeshen tiro Issima ah ayaa looga hadlay sidii loosi anba qaadi laha dooraka issimada Puntland ay ku leeyihiin xaaladda xilligana ka jirta Puntland.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo ka mid ah issimada Puntland ayaa xilli uu warbaahinta guddaha la hadlay waxaa uu xaqiijiyey in issimada ay isla garteen qeybo ka mid ah shirar inay ka yeeshan xaaladda xilligaan ay Puntland ku jirto iyo doorashada ku soo fooleh habkii ay u qabsoomi lahayd.
…”"”Issimo ka socda sagaal gobolka oo Puntland ka tirsan ayaa shir yeellanaya sidaan ku balan sanahay maanta,waxana ujeedada shirarka ay tahay sidii issimada Puntland ay door muqda uga qaatan xaaladda xilligana ka jirta Puntland iyo mida ku soo fooleh,waxana qeyb ka mid ah issimada oo shalay is arkay ay sheegen inay muhiim tahay talo wadaaga issimada Puntland…”"”ayuu yiri suldaan Garaae.
Suldaan Garaase,sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday inaysan wax tallo ah laga siin magacaabista guddiyada doorashada ee ay kala magacaaben madaxweyne Faroole iyo musharrixinta oo xilligana isku diidan guddiyada.
…”"”"Ma jirto wax tallo ah oo nalaga siiyey xilligii lamagacaabay guddiyada doorashada oo ah arrinta kaliya ee xilligaan ay isku khilafsanyihiin musharrixinta iyo xukuumada,waxan isku dayeena wixii dalka wax u dhimi kara inan fara galino,balse waxan xaqiijinayna xilligaan khilaafka jira inaysan jiri cid nala wadagtay si an wax uga xalino…”"”ayuu yiri Suldaanka.
Hadlka Suldaan Garaase waxaa uu ku soo aadaya xilli issimada Puntland lugu dhaliilayey inay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayen xalinta khilaafadyada xilligaan jira iyo wax ka qabashada marxalada jirta,sidoo kale wali ma aysan soo magacaabin issimada xildhibaanada cusub ee soo dooran doonna madaxweynaha hoggaaminaya Puntland muddada ina soo aadan.
_______
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo