Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

DEG DEG:Musharaxiin Shire Xaaji kula kulansan Degmada dangoronyo.

$
0
0

yo

Garoowe (RBC RADIO) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya Degmada Dangoronyo oo uu ku sugan yahay Musharax Shire Xaaji oo dib uga laabtay magaalada  Garoowe kadib markii Ciidan iyo tikniko uu watay loo diiday in ay Caasimada u gudbaan ayaa Iminka waxaa Magaalada ugu tagay Musharaxiin ay ka mid yihiin Maxamed C/Nuur Xirsi iyo cali Xaaji si ay shir ula yeeshaan iyadoon la ogayn wax yaabaha ay kala hadlayaan, waxaase wararku shegayaan in Musharaxa ay ku qancinayaan in uu iska reebo Ciidanka badan ee uu wato uuna reebto Ilaalo kooban Maadaama Amniga Magaalada uu sugan yahay.

Warar ay si hoose u heleyso Raxanreeb ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Darwiishata Puntland Generaal Siciid Dheere uu u ogolaaday Musharaxa in uu lasoo gudbo hal gaari oo aan qori saarnayn iyo askar kooban oo sukta amnigiisa, waxayna Musharaxiinta hada la kulansan Mudane shire ay ku qancinayaan in uu hakiyo ciidanka uu wato oo iyagaba amnigoodu uu sugan yahay Ciidankana ay u siman yihiin Musharaxiinta waxaana la sheegayaa in arintaasi ay hada meel wacan marayso.

Arintan ayaa Imaaneysa iyadoo Magaalada Garoowe maata uu dib uga noqday Musharax Shire Xaaji Faarax kadib markii Ciidanka Amnigu ay diideen in Tikniko badan oo uu watay Musharaxa ay u gudbaan Magaalada Balse ay ogolaadeen Musharaxa iyo Ilaalo kooban in ay u gudbaan Garoowe taasoo keentay in leysku afgaran waayo, Madaxweynaha Puntland oo arimahaasi ka hadlayna wuxuu sheegay inaan Magaalada lala soo geli karin hub iyo Ciidan Burcad badeed iyo Argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

Trending Articles