Baydhabo[RBC Radio]Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,maanta ma jirin cid aaday goobaha waxbarashada sida iskuullada,waxana arrintaan ay timid kaddib markii xabsiyadda magaalada lugu xiray in ka badan 600 oo ruux oo ay arday iyo macallimiin ku jireen.
Dadkaan la soo qab qabtay ayaa lugu soo qabtay howlgallo ballaaran oo ay ciidamada amniga ka sameeyen Baydhabo.
Saraakisha amniga ee magaalada Baydhabo oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in arayda iyo macallimiinta lugu soo qab qabtay howlgallo amniga la xiriira cidii danbi lugu waayana la sii deyn doonno.
Taliyaha booliiska gobolka Bay, kornayl Mahad C/raxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilligaan magaalada Baydhabo ay soo buux dhaf-sheen xubno ka tirsan Al Shabaab kuwaaso u badan dhallinyaro.
..”"”Ujeedada ka danbeysay in ardeyda iyo macallimiinta la xir xiro qar kood waxaa ay ahayd,kadib markii magaalada ay ku soo bateen dhalinyaro Al Shabaab ah,howlgalku wuu soconaya cidii laga shakiyo waa la soo qabanaya,cidii danbi lugu waayana waa la sii deyn…””ayuu yiri taliyaha.
Dhinaca kale waxgarad iyo nabadoono warbaahinta la hadlay ayaa eedeyey howlgalkaan dhallinyarada lugu xir xiray,nabaddoon Cali Aadan Tuusow oo ay qeyb ka yihiin dhallinyarada la xiray carruur uu dhalay ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid la xiriira xubno Al Shabaab ah oo la qab-qabanayo,waxana uu ku sheegay in arrintaan ay tahay mid dhaqaale lagu doonayo.
Howlgaladaan waxaa ay ku soo aadayan xilli magaalada Baydhabo uu ka socdo shir lugu dhisayo maamul gobolled.
______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo