Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19787

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday waqtiga uu hor imaanayo R/wasaaraha cusub

$
0
0

Baarlamaanka-Maanta-212Muqdisho[RBC Radio]Kulan ay maanta yeeshen guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya,ayaa waxaa looga dooday qoddobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin xilliga ugu haboon ee Baarlamaanka uu hor imaanayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

16ka guddi oo uu ka kooban yahay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa is arkay,waxaana is aragooda guddoominayey Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,waxana uu shirkooda ka dhacay  maanta xaruunta golaha shacabka Muqdisho.

Arrimaha ay guddiyada ka dooden maanta waxaa  qeyb ka ahaa  ilaa afar qoddob oo kala ahaa waqtiga ugu haboon ee R/wasaaraha cusub la horkeeni karo baarlamaanka Soomaaliya, dhamaystirka howlaha horyaala baarlamaanka ee ah kalfadhigii seddexeed ee 2013, hiigsiga sanadka 2014 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub.
C/kariin Xaaji Aadan Buux,oo ah  xog-hayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda  ugu waramay shirka u furmay guddiyada baarlamaanka ee muddada saacadaha ah qaatay,

…”"”Kulanka waxaa diiradd lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Shintirka oo ah kalanederka uu baarlamaanka ku shaqeeyo oo ay ku qorantahay waxa uu barlaamka qabanayo ilaa dhamadka sanadka 2014 qodobka labad ayaa waxa looga hadlay kalfadhiga sedexaad, muddeynta ansixinta xukuumadda cusub, Ansixinta miisaaniyadda sanadka 2014-ka Dhameystirka hindise sharciyeedka golaha horyaala mudada gaaban ee kalfadhiga uga harsan…”‘”ayuu yiri C/kariin Xaaji Aadan Buux.

Shirka dhexmaray guddiyada baarlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay waxaa uu imaanaya xilli dhawaan lugu wadda in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida u qaadan raysul wasaaraha la soo magacaabay.

______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19787

Trending Articles