Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19778

Faroole: Cid laga ogolaan mayo in ay lasoo gasho Caasimada Ciidan Argagixiso iyo Burcad-Badeed ah (Dhagayso).

$
0
0

 x

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa   sheegay in uu Maqlayay Musharaxiin ku murmaya in Magaalada Garoowe ay lasoo galaan Ciidan badan iyo Gawaari gaashaaman isagoo taasi ku tilmaamay in ay tahay sharci daro iyo xadgudub aan geed loogu soo gaban wuxuuna sheegay inaan la aqbalayn in Caasimada ay soo galaan ciidan argagixiso iyo burcad badeed isugu jira sida uu yiri Madaxweynaha Xili uu ka qudbeynay Xaflad ka socotay maanta Xarunta TVGa Puntland ee Magaalada Garoowe.

 

“ Qaar baa la ii sheegayay ku doodaya in ay Ciidan badan lasoo galaan Caasimada waxayna doonayaan in ay ka qayb galaan doorasho Puntland ka dhacda sidee arintaasi u dhacaysaa hadiiba nin walba uu wato tikniko iyo ciidan badan, waxaan leeyahay cidi ogolaan meyso in lala soo galo Magaalada ciidan Burcad-badeed iyo Argagixiso isugu jara ee ah kuwii buuraha ku jiray oo darees ciidan loo soo gelshay waxaana leeyahay Magaaladu waa Caasimad Amnigana dad baa u xilsaaran yaan la moodin in si fudud ciidan loola soo geli karo ayuu yiri Mudane faroole.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa Imaanaya iyadoo Maanta meel 60KM u jirta Magaalada garoowe uu isaga laabtay Musharax Shire Xaaji kadib markii Tikniko badan oo uu watay ay is hortaageen ciidanka Amniga taasoo horay go’aan looga gaaray in Ciidan lala soo galo Magaalada sababo la xiriira sugida Nabadgelyada Caasimada.

hadalkan wuxuu madaxweynaha ka jeediyay qudbad uu ka jeedinayay Xaflad lagu daah furayay TV Local ah oo laga dhex yagleelay Xarunta TVga iyo Idaacada Puntland.

Dhagayso Codka Madaxweynaha.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19778

Trending Articles