Garoowe (RBC RADIO) Musharax Shire Xaaji faarax oo ka mid ah raga isu soo taagay xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa Saaka dib ay u celiyeen Ciidanka Amniga Dowlada Puntland kadib markii uu musharaxaasi damcay in uu Caasimada lasoo galo in ka abdan 2 tikniko ah Ciidanka Amniga ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxay Musharaxa ka codsadeen in uu Dib u celiyo Tiknikada uu wato Amnigiisana ay sugu doonaan Ciidanka Dowlada iyo Qaar ka mid ah Ciidanka uu wato hase ahaatee wuu ku adkeystay Musharaxa in Tiknikadaasi ay Caasimada ula gudubto taasoo keentay is mari waa iyo isfaham xumo halkaasi ka dhasha.
Musharaxa iyo tiknikadii uu watayba waxay dib uga laabteen Deegaanka Sunijeef oo 60KM u jirta Magaalada Garoowe waxayna hada ku sugan yihiin Degmada Dangoronyo oo ka tirsan Gobolka nugaal walina waxaa socda wada hadal inkastoo aan wali leys afgaran, waxaana Musharaxu uu sheegay sida ay Wararku nagu soo gaarayaan in uusan ka tagayn ciidankiisa oo uu la galayo Magaalada halka ay Taliska Ciidanka Gobolka iyo Hogaanka sare ee Ciidanka Puntland arintaasi ka hor yimaadeen.
Arintanw axay imaaneysaa iyadoo horay Dowlada Ama uga soo saartay in Ciidan badan iyo gawaarida gaashaaman lala soo galo Caaasimada maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah oo Doorasho ay jirto sidaa datreedna ay taasi keento in taagerayaal badan oo isu soo diyaariyay soo dhaweynta musharaxan ay dib u noqdaan kadib markii musharaxa laga ogolaan waayay hubka culus ee uu wato, waliba wax war ah kama soo bixin 2da dhinac is maandhaafkuna wali waa taagan yahay wuxuuna noqonayaa musharaxii ugu horeeyey oo laga celiyo Caasimada kadib markii uu ku adkeystay in uu lasoo galayao Ciidankiisa.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.