Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh,ayaa si cadd u sheegay in dowladiisu gaartay horumar muuqda.
Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in xilligan ay jiraan wali wax ka dhiman dalka balse arrimo badan oo tagna in hadda laga gaaray guul.
Xassan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday in dad badan ay la yaabeen sida ay Soomaaliya ku gaartay horumarkan muddada yar. Isagoo sheegay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu hadal qiimo leh ka yiri shirkii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay yeesheen 10-kii bishan, kaasoo ahaa: “Waxaa la soo gudboonaaday Soomaaliya saddexdii bilood ee lasoo dhaafay caqabado aad u badan, balse waxay ku guuleysatay inay ka tallaabsato.”
Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya ay si tartiib ah uga baxayso colaadihii soo daashaday sannadaha badan, isagoo xusay in dalalka saaxiibbada ay yihiin sida Mareykanka ay ka siinayaan gacan sidii ay u dhisi lahaayeen Qaran cusub oo Soomaaliyeed.
…””’Dalka isbadal buuxa ayaa xilligaan ka jira,waxana uu dalku si si tartiib ah uga baxayso colaadihii soo daashaday sannadaha badan,waxana arrintaan ay timid kadib markii dalalka saaxiibka nala ah sida Mareykanka ay naga siinayeen gacan sidii ay u dhisi lahaayeen Qaran cusub oo Soomaaliyeed,haddana way muuqata ififaalada…””ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in xilligaan qorshahoodu uu yahay sidii ay usoo celin lahaayeen xasiloonidi dalka,isagoona inta ku daray inay ka go’antahay sidii dowladda ay u gaari lahaayd guud ahanba dalka.
…”"”Arrinta kaliya ee naga dhiman ayaa ah in xasiloonidi dalka la soo celiyo,waxaa naga go’aan sidii an guul uga gaari lahayn caqabada hortaagan xasiloonida,waxaana dhawaan qorsheynayna sidii loo gaari lahaa guud ahaanba gobollada dalka oo idil…”"‘ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa wali waxaa ay dagaal kala kulmaysa kooxda dagaallanta ee Al Shabaab oo xilligana ka arrimisa qeybo ka mid ah gobollada koonfurta ku yaalla.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio