Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Ammaanka dalka Kenya oo la adkeynayo

$
0
0
Booliska oo la soo dhobay Kenya

Booliska oo la soo dhobay Kenya

Nairobi[RBC Radio]Ciidamada amniga e dalka Kenya ayaa la soo dhoobay magaaloyinka waa weyn ee dalkaasi,waxana jira baaritaano xooggan oo ka socda qeybo ka mid ah dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa iyado cabsi xoogan ka qabtay kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al Shabaab,kaddib markii ay ka soo baxeen hanjabaado ku aadan inay weeraro ka geesan doonnan guddaha dalkaasi.

Waxana taasi ay dhalisay in saraakiisha dalka Kenya ay adkeeyan ammaanka,waxana la arkayey ciidamada oo baaritaano ka wadda magaaloyinka Nairobi oo caasumad uu ah dalkaasi iyo magaalo xeebeedka dalkaasi ee Mombasa.

Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya ayaa xalay waxaa ka dhacay qarax ka qarxay bas nooca dadweynaha ay adeggsadaan ah,waxana uu sababay khasaaraha dad kor u dhaafaya afar ruux,halka ilaa 30- kalana ay ku dhaawacmen,inkasto saraakisha caafimaadka dalkaasi ay sheegen inay khasaaru inta ka badan karo.

Magaalo xeebeedka dalkaasi ee Mombasa,ayaa iyaduna waxaa dhawaan ka dhacay weerar kaasi oo Al Shabaab la sheegay inay la eegteen dalxiisayaal, sida wararka ay sheegayaan.

War ka soo baxay booliska Kenya ayaa lugu cadeeyay in koox aan la garaneynin ay weerar bam gacmeed ah geysteen, waxaana lagu tuuray gaari ay saarnaayeen dalxiisayaal Britain ah oo marayay aaga deegaanka Likoni.

Si kastaba ha noqote arrintaan ayaa kentay in faajignan dheeri ah la galiyo ciidamada amniga ee dalkaasi,maadamaa ay dhacayaan falal amniga lidi ku ah.

___
RBC Radio

Xafiiska Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles