Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo waxaa ay ku waabarisatay howlgallo ballaaran iyo ciidamo cadadbadan leh,waxana la sheegay in dib loogu soo celiyey guddaha magaalada ciidamadii militariga ee horrey looga saaray.
Arrintaan ayaa la sheegay inay timid kadib marki dilal kala gadisan ay ka dhaceen Kismaayo,maalmihii ugu danbeeyey.
Dilalka inta badan ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa loo geestay xubno ka tirsan maamulka iyo dad rayid ah oo inta badan la sheego inay dilaan dabley hubeysan.
Xalay waxaa magaalada Kismaayo xeebteeda laga helay meydka ruux shacab ah, kaasi oo sida dadka deegaanka ay sheegeen ahaa ruux ka shaqeysta sameynta gaadiidka, waxaana lasoo xaqiijiyey in goobtiisa shaqada laga soo kaxeystay, kadibna meydkiisa halkaasi lagu arkay.
Warar kale waxaa ay sheegayan in qofkale oo shacab ah lagu dilay magaalada gudaheeda, waxaana dilay ragg ku hubaysan biskoolado, kuwaasi oo ka baxsan goobta dilka ay ka geysteen.
Si kastaba ha noqotee saraakisha amniga ayaa lugu wadda inay faah faahin dheer ka bixiyen xaaladda amni e Kismaayo,kadib markii ay sii kordhen dilalka ka dhacaya.
_____
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo