Janaale (RBC) Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanadii shalay dagaaladu ka dheceen ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saaka markale dib u qarxay dagaal culus oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka qarxay duleedka degmada Janaale oo ah dhul beereed khudaarta noocyadeeda kala duwan ay ka baxdo.
Hubka culus ee gaadiidka dagaalka saaran iyo rasaastya yar yar ayey dhinacyada isweydaarsanayaan.
Waxaa jira cabsi laga qabo in sameynta dagaalkan ay ku fido deegaano kale oo hadda nabdoon.
Dagaalkan ayaa waxaa uu dabajoogaa dagaal culus oo shalay deegaanka ka dhacay kaasoo galaaftay nolosha illaa 109 ruux, kuwaasoo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalkan ayaa salka ku haya colaad beeleed ku xiriirsan lahaanshaha iyo gacan ku heynta dhul beereed ku yaalla deegaanada lagu dagaalamayo.
Waxaa socday waanwaan iyo dadaalo ay wadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaano kaasoo illaa hadda bilaw ah.
RBCRadio