Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Sh/Hoose Iyo Waanwaan Bilaabatay

$
0
0

dagaal-11Muqdisho (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goobihii dagaalku ka dhacay shalay ay ay xasiloon yihiin xalay illaa maanta iyadoo aanwaan iyo dadaalo nabadeed laga bilaabay.

Khasaaraha dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaartay toban ruux halka dhaawacuna uu 13 gaarayo. Waxaana dhaawacyada la kala geeyay isbitaalo ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Dagaalka ayaa ka qarxay tuulooyin dhulk beereed ah oo ku dhow deegaanka Awdheegle iyo agagaarka Muuri, halkaasoo maleeshiyo beeleedyo ku loolamaya gacan ku heynta dhul beereedkaasi ay ku dirireen.

Wararka ayaa sheegaya in la gubay dhul beereed ay khudaartu ka bixi jirtay oo khasaare weyn loo geystay beero waaweyn, sida ay sheegayaan dad ku sugan goobaha ay dagaaladu ka dhecee.

Baaqyo isdabajoog ah ayaa ka soo kala baxaya siyaasiyiin, xildhibaano iyo odayaal kuwaasoo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay colaada hakiyaan,ayna aqbalaan wadahadal.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay in dadaalada nabad raadinta ay socdaan, isla markaana madaxweynaha Dawlada Federaalka Xasan Sheekh uu ku wargaliyey dhibaatada dhacday.

Dagaalkanayaa durba wuxuu saameyn daran ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee ka jiray gobolka iyadoo tan iyo markii shalay uu xoogeystay dagaalka ay hakadeen gaadiidkii u kala gooshi jiray Muqdisho iyo degmooyinka gobolja Shabeelaha Hoose.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles