Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Xildhibaanada Beelaha Direed oo Ka Hadlay Dagaalka Sh/Hoose, Baaqna U Jeediyey Maleeshiyaadka Dagaalamaya

$
0
0

Muqdisho (RBC) Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beelaha Direed ayaa ka hadlay colaada dib uga soo cusboonaaay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo baaq deg deg ah u jeediyey dhinacyada dagaalamaya.

Xildhibaanada oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay dagaal beeleedka oo ay ku tilmaameen mid nasiib darro ah in xikkigan dalka dib ugu laabto.

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah xildhibaanada war saxaafadeedkaqabtay kulanka ka dib ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka ay kala hadleen sidii baarlamaanka wax uga geysan lahaa joojinta colaad beeleedka oo dad badan galaafatay illaa haddana aan la dhameyn.

“Waa aakhiro seeg, cidii hadda dagaal qabiil ku jirta waa mid aan ka warheyn aakhiro, waxaana ku baaqeynaa in dagaalka la joojiyo.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xildhibaanadan.

Xildhibaanada waxay kaloo bayaankooda ay ku cambaareeyeen fal ay sheegeen in maleeshiyaadka ay geysteeen kaasoo lagu gubay dhul beereed khudaar kala duwan ay ka bixi jirtay, taasoo dhibaato u keeneysa wax soo saarka beeraha.

Kulan ay shalay yeelan lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka ayaa baaqday ka dib markii uu buuxsami waayey guntanka (quorum) waxaana loo sababeeyay in qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha ay ku maqnaadeen ka qeybgalka kulamo looga hadlayo colaadaha ka soo cusboonaaday gobollada qaar ee dalka sida Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles