Garoowe (RBC RADIO) Musharax Maxamed C/Nuur Xirsi ayaa Saxaafada Shir Jaraa’id oo uu qabtay kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Cilmi Baarista ee Magaalada Garoowe wuxuu sheegay in Musharaxiintu ay soo dhaweeyeen kulan ay la yeeshaan Madaxweynaha Puntland balse waqtigu uu is gurayo loona baahan yahay in 48saac gudohood kulankaasi uu ku dhoco inta wada hadalkaasi socdana lasii hakiyo hawlaha ay wadaan Gudiga uu magacaabay Madaxweyne Faroole ayna sidoo kale 4 qodob soo saareen intii uu shirkoodu socday, Mudanuhu wuxuu Daboolka ka qaaday in Heshiiskan ay saxiixeen toban musharax kuwaasi oo matalaya dhamaan musharaxiinta.
Hoos ka akhriso Qoraalka Musharaxiintu soo saareen.
1:Haddaan nahay murashaxiinta waxaan soo dhaweyneynaa aqbalaada madaxwaynuhu aqbalay codsigii aan soo jeedinay ee ahaa wada-hadalka.
2:Waxaan u aragnaa inay muhiim tahay in madaxwaynuhu joojiyo shaqada guddiga khilaafaadka uu asagu magacaabay.
3:In lasameeyo guddi issimo ah oo kormeera shaqada guddiga xallinta khilaafaatka sidii horay u dhici jirtey.
4:Annagoo eegeyna danta guud iyo maslaxadda Puntland waxaan isla aragney in lagu dhameeyo arrinta wadahadalka muddo labo maalmood ah oo ku eg maalinta isniinta ah 16-12-2013,madaxweynuhu uu qaato tallooyinka kor ku xusan si loo abuuro jawi ku habboon wada-hadal,iyadoo aysan xujo aheyn madasha kallunka.
Waxaa go’aamadaas wada qaatay murashaxiinta hoos ku xusan,iyagoo wakiil ka ah dhammaan murashaxiinta xilka madaxtinimadda dowladda Puntland.
1:Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
2:Maxamed Cabdinuur Xirsi.
3:Cali Xaaji Warsame.
4:Cali Xaaji Cabdulle.
5:Cabdilaahi Aw-Muuse.
6:Cabdidaahir Maxamed Yuusuf.
7:Cali Cabdi Awaare.
8:Cabdirisaaq Nuur Caluula.
9:Cabdilaahi Cali Mire.
10:Cabdixakiim Cabdullahi X.Cumar.
__________________________
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.